Itoobiya iyo Ruushka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashigooda laba geesoodka ah - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Ruushka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashigooda laba geesoodka ah
Addis Ababa, Dirir 26/2018 (ENA): Guddoomiyaha Bangiga Qaranka ee Itoobiya, Dr. Eyob Tekaaliny, iyo Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha ee Ruushka, Maksim Reshetnikof.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo maaliyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ruushka, si labada dal uga faa’iidaystaan xiriirkooda taariikhiga ah.
Sidoo kale waxay isweydaarsadeen fikrado ku saabsan meelaha kale ee labada dal ay iska kaashan karaan si loo ballaariyo fursadaha horumarineed iyo ganacsi ee u dhexeeya labada waddan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya