Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya ayaa bedelay Isu-dheelitirka Juquraafi Siyaasadeed ee Gobolka kana dhigay guul dibloomaasiyadeed - ENA Af-Soomaali
Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya ayaa bedelay Isu-dheelitirka Juquraafi Siyaasadeed ee Gobolka kana dhigay guul dibloomaasiyadeed
Addis Ababa, Dirir 26/2018 (ENA): Khubaradu waxay sheegeen in Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu si weyn u bedelay isu-dheelitirka juquraafi siyaasadeed ee gobolka, isla markaana uu caddeeyey guusha Itoobiya ee dhinaca dibloomaasiyadda.
Brof. Tesfaaye Taafase, oo ah bare iyo cilmi-baare ka tirsan Xarunta Daraasaadka Juquraafi Siyaasadda iyo Afrika ee Jaamacadda Addis Ababa, iyo Brof. Ayele Bekeri, oo ah taariikhyahan, ayaa ku sheegay wareysi ay siiyeen Wakaaladda Wararka Itoobiya in waddan kasta oo madax-bannaan uu leeyahay xaq buuxa oo uu si nabad ah ugu faa’iidaysto kheyraadkiisa dabiiciga ah.
Khubaradu waxay tilmaameen in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda si aan waddamada kale u waxyeellayn, ayna lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo danaha qaranka. Brof. Ayele Bekeri ayaa intaas ku daray in mashaariicda ay Itoobiya bilowday, ay ka sokow ilaalinta danaha qaranka, door weyn ka ciyaarayaan in shacabka laga saaro saboolnimada.
Brof. Tesfaye Taafase ayaa isna xusay in Itoobiya ay si guul leh uga hortagtay cadaadisyo badan oo la xiriiray mashruuca Biyo-xidheenka, iyada oo adeegsatay xeelado dibloomaasiyadeed oo miro dhal ah. Isagoo intaa raaciyay in iskaashiga dowladda iyo shacabka uu horseeday in dalal hore uga soo horjeeday Itoobiya ay hadda taageeraan mowqifkeeda.
Brof. Ayele Bekeri ayaa sheegay in mashruuca Biyo-xidheenka uu ku dhisan yahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, isla markaana uu muujiyey in aan la joojin karin dadaalka Itoobiya ee ilaalinta danaha qarankeeda, taas oo calaamad u ah madax-bannaanideeda.
Waxa uu sheegay in Masar, oo aragtay in aysan suurtagal ahayn in ay sii hayso xukunka biyaha Niil, ay bilowday urur la yiraahdo “Madasha Badda Cas” si ay u xannibto doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas, taas oo ay ka mid tahay dadaallada lagu carqaladaynayo saamaynta Itoobiya ee gobolka.
Khubaradu waxay ku booriyeen in Itoobiya ay sii waddo dadaallada dibloomaasiyadeed ee xooggan si ay uga hortagto qorshayaasha noocaas ah. Brof. Tesfaaye ayaa gabagabadii sheegay in Biyo-xidheenku uu beddelay juquraafiga siyaasaddeed ee gobolka, isla markaana uu muujiyey guul dhab ah oo Itoobiya ka gaartay dhanka dibloomaasiyadda.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya