Iskaashiga Itoobiya iyo Midowga Yurub ayaa soo jiray Qarniyo badan - ENA Af-Soomaali
Iskaashiga Itoobiya iyo Midowga Yurub ayaa soo jiray Qarniyo badan
Saaxiibtinimada taariikhiga ah ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Yurub waxay soo bilaabatay qarniyo ka hor.
Xogtu waxay tilmaamaysaa in xiriirka labada dhinac uu bilaabmay qarnigii 4-aad. Waxaa la sheegay in Itoobiya ay xiriir diblomaasiyadeed iyo mid diimeed la lahayd Boqortooyadii Roomaanka, matkuu xilka hayay Boqorkii Aksun ee Izana.
Qarnigii 15-aad wuxuu ahaa waqtigii xiriirkii diblomaasiyadeed ee ugu horreeyay ee la diiwaan galiyay ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Yurub uu dhacay.
Sannadkii 1441 T.I, wafdi Itoobiyaan ah ayaa ka qayb galay Golaha Filorens, kaas oo loo arko inuu yahay xiriirkii ugu horreeyay ee dhexmara dal ka hooseeya Saxaraha iyo Yurub.
Waqtigaas, wufuudda Itoobiya waxay booqdeen Room, Veniis iyo Lisbon.
Qarniyadii xigay, wufuudda diblomaasiyadeed iyo is-weydaarsiga booqashooyinka ayaa ka dhacay Itoobiya iyo dalalka Yurub.
1975 T.I waxay ahayd sannadkii ay Itoobiya bilowday xiriir diblomaasiyadeed oo casri ah oo ay la yeelatay Bulshada Yurub.
Itoobiya iyo Midowga Yurub (oo hore u ahaa Bulshada Dhaqaalaha Yurub) waxay saxiixeen Heshiis Iskaashi 28-kii Cirir 1975 magaalada Loome, caasimadda Togo. Heshiiska waxaa loo yaqaan Heshiiska Loome.
Heshiisku waa dhacdo taariikhi ah oo aasaaska u dhigtay iskaashiga Itoobiya iyo Midowga Yurub.
Horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga, kaalmada horumarinta iyo ganacsiga dhoofinta ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee heshiiska.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Midowga_Yurub