Madaxweyne Ku-xigeenka Kolombiya Fransiya Marques ayaa soo gaadhay Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Madaxweyne Ku-xigeenka Kolombiya Fransiya Marques ayaa soo gaadhay Addis Ababa

Addis Ababa, Naaf/Nahaase 20/2017 (ENA): Madaxweyne ku-xigeenka Kolombiya, Fransiya Marques, ayaa booqasho rasmi ah oo shaqo ku timid magaalada Addis Ababa.
Markii ay soo gaadhay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Maqdhas Dhaaba, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Birhanu Sagaaye.
Inta lagu jiro joogitaankeeda, Madaxweyne ku-xigeenka waxa ay kulamo la yeelan doontaa masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya, iyadoo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyo kala duwan.
Waxaa la xusuustaa in Itoobiya iyo Kolombiya ay sannadkii 2015 kala saxeexdeen heshiis ku saabsan wada shaqaynta siyaasadda iyo meelo kale oo iskaashi ah.
Labada dalna waxay xiriirka diblomaasiyadeed si rasmi ah u bilaabeen sanadkii 1947, sida ay muujinayaan xogaha taariikhiga ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya