Ka qeybgalayaasha Doorashada Majliska ee Jigjiga ayaa sheegay in ay doorteen musharrixiinta ka shaqayn doona xoojinta ka qeybgalka dhallinyarada ee Majliska - ENA Af-Soomaali
Ka qeybgalayaasha Doorashada Majliska ee Jigjiga ayaa sheegay in ay doorteen musharrixiinta ka shaqayn doona xoojinta ka qeybgalka dhallinyarada ee Majliska
https://www.facebook.com/share/v/1CEZiwyjXC/
Jigjiga, Nahaase 10/2017 (ENA) Dhallinyarada Jigjiga ee codkooda ka dhiibtay doorashada majliska golaha arrimaha islaamka ayaa sheegay in u codeeyeen wakiilada xoojin doona ka qeybgalka dhallinyarada sida ay u sheegeen wakaaladda wararka ENA.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, mudane Cabdirashiid cabdullahi, ayaa sheegay in doorashada Majliska ee qaybta dhallinyarada oo ka dhacday dhammaan dawlada deegaannada soomaalida in si guul ah loo soo gabagabeeyay.
Doorashada Majliska ee sannadka 2017 T.I. oo shalay ku bilaabmay qaybta culimada ayaa maanta sidoo kale waxaa qabsoontay qaybta dhallinyarada.