Itoobiya waxay hirgelinaysaa hab-dhaqan tusaale u ah dunida oo ku aaddan maaraynta qaxootiga

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR), Dhafid Karb, ayaa sheegay in Itoobiya ay ka mid tahay dalalka caalamka tusaale u ah qaab-habeynta iyo maaraynta qaxootiga ee lagu amaano.

Waxa uu xusay in Itoobiya waqtigan ay martigelinayso in ka badan hal milyan oo qaxooti iyo dad magangelyo-doon ah oo ka kala yimid 25 dal oo kala duwan sababo la xiriira colaado, dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwo deegaan.

Dhafid Karb ayaa u sheegay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) in Itoobiya ay u dhaqmayso si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda qaxootiga, iyadoo adeegyo muhiim ah si hufan ugu fidinaysa dadkaas.

Waxaa uu xusay in deegaannada qaxootigu ku sugan yihiin ay ka socdaan horumarin dhinaca kaabeyaasha dhaqaalaha ah sida waddooyinka, biyaha nadiifta ah, korontada, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyo kale oo aasaasi ah, si dadkaasi u helaan nolol wanaagsan.


 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qaxootiga la barayo sida ay ula qabsan lahaayeen bulshada martigelisay, ayna ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo, taas oo kor u qaadaysa is-dhexgalka iyo ka qaybgalka bulshada.

Arrimahan, ayuu xusay, waxay Itoobiya ka dhigayaan mid ka mid ah dalalka ugu tixgalinta badan qaxootiga, taasina ay tahay arrin mudan in lagu bogaadiyo dowladda iyo shacabka dalkaas.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in waaxyaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan UNHCR, ay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta iyo taageerada la siiyo Itoobiya si loo dar-dar galiyo habka maaraynta qaxootiga.

Dhafid Karb ayaa ugu dambayn bogaadiyay dowladda iyo shacabka Itoobiya dadaalka ay ugu jiraan martigelinta iyo daryeelka qaxootiga, isagoo sheegay inay mudan yihiin mahadnaq iyo ixtiraam.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015