Madaxweyne Taaye Asqasilaase ayaa ka qaybgalay Ololaha Dhir-beeris oo laga hirgaliyay buurta Yakaa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 4/2017 (ENA): Madaxweyne Taaye Asqasilaase ayaa maanta ka qaybgalay ololaha dhir-beerista ee ka dhacay buurta Yakaa.

Madaxweynaha ayaa ololahan ku fuliyay isagoo ay weheliyaan shaqaalaha iyo madaxda xafiiska madaxtooyada.

Madaxweynaha oo farriin ka jeediyay munaasabaddaas ayaa sheegay in ololaha dhir-beerista ee raadka cagaaran uu kor u qaadayo nolosha noolaha kala duwan ee Itoobiya ku nool.


 

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ololaha noocan ah ay ka mid yihiin dadaallada Itoobiya ay ugu jirto in ay ka qaybqaadato la-dagaallanka isbeddelka cimilada, isla markaana ay hesho aqoonsi caalami ah oo arrintaas la xiriira.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhir-beerista ay leedahay faa’iidooyin badan, wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay kaalin weyn ka qaataan dhir-beerista iyo ilaalinteeda.

Ololaha dhir-beerista ee sanadkan ayaa lagu qabtay hal-ku-dhagga “Abuuris iyo Horumarin,” waxaana dhir badan laga beerayaa guud ahaan dalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015