Itoobiya waxay sanadkan hirgelisay hawlo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ilaalinaya danaha qaranka – Wasaaradda Arrimaha Dibadda - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay sanadkan hirgelisay hawlo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ilaalinaya danaha qaranka – Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 3/2017 (ENA): Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in dalka uu sanad miisaaniyaddeedkan dhammaaday ee 2017 T.I. ku guulaystay hirgelinta hawlo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ilaalinaya danaha qaranka.
Afhayeenka wasaaradda, Danjire Nabiyaat Geetaajaw, ayaa isagoo ka hadlaya waxqabadka sanad-miisaaniyeedka, wuxuu iftiimiyay in dowladda Itoobiya ay ka shaqeysay hawlo diblomaasiyadeed oo dhammaan dariiqyada diblomaasiyadda ah taabanaya si loo ilaaliyo danaha qaranka loona muujiyo sumcadda dalka.
Waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya ay xoojisay xiriirka ay la leedahay wadamada deriska ah iyadoo diiradda saartay faa’iido wadaag ku dhisan iskaashi dhanka korontada iyo horumarinta kaabeyaasha sida waddooyinka, iyo in horumar laga sameeyay dadaallada lagu xoojinayo nabadda waarta ee Geeska Afrika.
Afhayeenku waxa uu carabka ku adkeeyay in sanadkan Itoobiya ay ku guulaysatay in bulshada caalamka la fahamsiiso xaqa ay u leedahay ka faa’iidaysiga mashruuca weyn ee biyo-xireenka Abaay si caddaalad ku jirto.
Waxaa kaloo la sheegay in heshiisyo badan oo laba geesood iyo kuwo badan-geesood ah lala saxiixday wadamo kala duwan intii lagu jiray sanad-miisaaniyeedka, kuwaasoo loogu talagalay ilaalinta danaha qaranka iyo kor u qaadidda sumcadda iyo doorka Itoobiya ee masraxa caalamka.
Dhanka kale, diblomaasiyadda u janjeedha danaha muwaadiniinta, ayaa lagu guulaystay in muwaadiniin Itoobiyaan ah oo ku sugnaa xaalado adag wadamo kale lagu soo celiyo iyadoo la dhowrayay nabadgelyadooda iyo karaamadooda.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya