Madaxweynaha Taaye Asqasilaase ayaa sagootiyey Dr. Ramis Alakbarof oo dhammaystay muddadii shaqadiisa

Addis Ababa, Afagaal/Hamle 2/2017 (ENA): Madaxweynaha Itoobiya, Taaye Asqasilaase, ayaa sagootin sharaf leh u sameeyey Dr. Ramiz Alakbarov, oo ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Kooxda Isku-dubaridka Gargaarka Bani’aadamnimo ee Itoobiya, kaddib markii uu dhammaystay muddadii shaqadiisa.


 

Dr. Ramis Alakbarof ayaa lagu ammaanay dadaalkiisii iyo go’aankiisii uu ku bixiyey sidii loo hirgelin lahaa yoolalka horumarineed intii uu ka shaqaynayey gudaha Itoobiya.

Madaxweynuhu, isaga oo fariin ku baahiyey barta X (horay loo oran jiray Twitter), waxa uu Dr. Ramis u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo in uu guulo ka gaaro hawlaha cusub ee uu qaban doono.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015