Tigist Assefa ayaa heshay Buugga Diwaanka Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Caalamiga ah

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Orodyahannad Tigist Assefa, oo jebisay rikoodhka tartanka Marathon-ka London, ayaa heshay aqoonsi rasmi ah oo uga yimid Buugga Diwaanka Dhacdooyinka Cajiibka ah ee Caalamiga ah (World Guinness Book of Records).

Tigist ayaa dhigtay rikoodh cusub iyadoo ku orodday 2 saacadood, 15 daqiiqo iyo 50 ilbiriqsi tartanka Marathon-ka ee ay haweenka oo keliya ka qayb galeen, iyadoo aysan jirin rag tartanka ka qayb qaadanayay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015