War Saxaafadeed ku saabsan Heshiiska Nabadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Jamhuuriyadda Rwanda - ENA Af-Soomaali
War Saxaafadeed ku saabsan Heshiiska Nabadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Jamhuuriyadda Rwanda
Addis Ababa, Gudba 26/2018 (ENA): Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay wada kala saxiixdeen Madaxweyne Bawl Kagaame oo ka socday Jamhuuriyadda Rwanda iyo Madaxweyne Felik Tshisekedi oo ka socday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadan inay tahay guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabadda waarta, amniga, iyo xasilloonida gobolka Harooyinka Weyn.
Guddoomiyuhu wuxuu aqoonsaday oo uu mahadnaq u jeediyay taageerada wax ku oolka ah ee ay bixisay Dowladda Maraykanka, gaar ahaan ka qeybgalka tooska ah ee Madaxweyne Donald Trumb, oo kaalin weyn ku lahaa abuurista xaaladihii fududeyn lahaa heshiiskan. Sidoo kale wuxuu ammaanay Dowladda Qatar doorkeeda diblomaasiyadeed iyo taageerada ay siisay howlaha nabadda ee Afrika hoggaamineyso.
Guddoomiyuhu, oo qayb ka ahaa madaxda Afrika ee goobjooga ka ahaa saxiixa taariikhiga ah ee ka dhacay Washington DC, Mareykanka, ayaa bogaadiyay hoggaanka geesinimada leh iyo dadaalka joogtada ah ee suurageliyay heshiiskan. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweyne Faure Gnassingbé ee Togo doorkiisa dhexdhexaadinta, Madaxweyne João Lourenso ee Angola dadaalkiisii hore ee gorgortanka, iyo kaalinta ay ciyaareen madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Bulshada Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC).
Yuusuf wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si daacadnimo leh u fuliyaan heshiiska, si qoraal ahaan iyo si ruux ahaanba, si uu u noqdo saldhig dib u heshiisiin, iskaashi goboleed, iyo nabad waarta.
Komishinka Midowga Afrika wuxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhinacyada iyo nidaamyada goboleed si loo dhaqaajiyo geeddi socodkan muhiimka ah, taas oo faa'iido u leh shucuubta DRC, Rwanda, iyo guud ahaan gobolka.
#WWI
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya