Maxay yihiin sababaha keena xanuunka dhegaha?

Dr. Oliyaad Taarekegn, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada madaxa iyo qoorta kana tirsan Cisbitaalka Takhasuska ee Tukur Anbasaa ee Jaamacadda Addis Ababa, ayaa sharxay sababaha keena xanuunka dhegaha iyo sida looga hortagi karo.

Waa maxay xanuunka dhegaha?
Wuxuu sheegay in xanuunka dheguhu ka imaan karo dhaawacyo ama infekshan ku dhaca qaybaha kala duwan ee dhegta — qaybta dibadda, tan dhexe iyo tan gudaha. Mararka qaarkood xanuunku wuxuu ka yimaadaa cudurro, dhaawacyo ama burooyin ku yaal gudaha dhegta.

Noocyada xanuunka dhegaha
Waxaa jira noocyo kala duwan oo sababo kala duwan leh, balse midka ugu badan waa kan ay keento infekshanka. Waxaa kale oo jira xanuunno ka dhasha burooyin ama unugyo aan caadi ahayn oo ku kora gudaha dhegta.

Sababaha ugu waaweyn ee keena xanuunka dhegaha

Carruurta da’doodu ka yar tahay 14 sano ayaa si gaar ah ugu nugul sababo la xiriira difaaca jirkooda oo aan weli dhismin.

Marka da’da korodhona, awoodda maqalka way yaraataa, taasoo keenta dhibaatooyin dheeraad ah.

Dhawaq xooggan ama buuq badan oo la maqlo muddo dheer wuxuu dhaawici karaa dhegta.

Sigaarka iyo qiiqa kale ayaa sidoo kale sababi kara xanuunka dhegaha.

Calaamadaha lagu garto
Calaamadaha waxay ku xiran yihiin meesha uu infekshanku ka dhacay.

Haddii uu ka dhaco qaybta dibadda: cuncun, barar iyo xanuun.


 

Haddii uu ka dhaco qaybta dhexe: maqalka oo yaraada, qandho, xanuun soo noqnoqda iyo dareere ka yimaada dhegta (biyo, xab ama dhiig).

Haddii ay jirto buro gudaha dhegta: dareen culays ah, dhawaq gudaha dhegta ka yeeraya ama wareer.

Sida looga hortago?

Ha isticmaalin walxo adag ama suuf si aad u nadiifiso dhegta, maadaama ay dhaawici karto.

Ka fogow dhawaqa dheer iyo isticmaalka dheer ee walxaha maqalka soo gudbiya sida Erfoonada. Waxaa lagu talinayaa in la isticmaalo ugu badnaan 60 daqiiqo iyadoo codka uusan ka badnayn 60% awoodda qalabka.

Ka naso dhagaha 15–20 daqiiqo haddii aad rabto inaad sii isticmaasho Erfoonada muddo dheer.

Guud ahaan, xanuunka dhegta waa xaalad la daaweyn karo haddii si dhakhso ah loo garto. Nadaafadda saxda ah, ka fogaanshaha buuqa iyo daryeelka joogtada ah ee caafimaadka dhegaha waa siyaabaha ugu wanaagsan ee looga hortago.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015