Mashruuc lagu dhisayo xarunta sifeynta dareeraha wasakhda ah oo ku kacaysa in ka badan 1.2 bilyan oo birr ayaa laga hirgelinayaa magaalada Diri Dhaba - ENA Af-Soomaali
Mashruuc lagu dhisayo xarunta sifeynta dareeraha wasakhda ah oo ku kacaysa in ka badan 1.2 bilyan oo birr ayaa laga hirgelinayaa magaalada Diri Dhaba
Addis Ababa, Dirir 27/2018 (ENA): Wasaaradda Biyaha iyo Tamartu waxay heshiis dhisida mashruucan ah la gashay shirkadda Dhismaha ee YOT.
Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Dr. Inj. Habtaamu Itafaa, ayaa shirkadda u sheegay inay muhiim tahay in mashruuca lagu dhameeyo si tayo leh loona baahan yahay iyo waqtiga lagu heshiiyay lagu gabagabeeyo si shacabka Diri Dhaba ay uga faa’iideystaan.
Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee lagu hagaajinayo bilicda iyo nadaafadda magaalooyinka dalka, si loo abuuro deegaan nadiif ah oo soo jiidasho leh.
Waxaa kale oo la sheegay in mashruucani uu abuuri doono fursado shaqo oo badan oo ay heli doonaan dhalinyarada iyo haweenka deegaanka.
Maareeyaha guud ee shirkadda Dhismaha YOT, Mudane. Yohannis Mulugeetaa, ayaa dhankiisa sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan dhammaan hay’adaha ay khuseyso si mashruuca loogu dhammeeyo si tayo leh iyo waqtigiisa.
Ugu dambayntii, dhismaha iyo dayactirka mashruuca waxaa taageeraya Bangiga Adduunka, waxaana sida uu sheegay Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Isgaarsiinta ee wasaaradda, Geetinat Simee, lagu wadaa in lagu dhameeyo muddo hal sano gudaheed ah.