Siyaasada - ENA Af-Soomaali
Siyaasada
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Joorjiya Meelooni ayaa soo gaadhay Addis Ababa
Feb 13, 2026 28
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaruhu waxay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boole, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Fariin uu ku daabacay boggiisa baraha bulshada, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Joorjiya Meelooni ee Itoobiya, xilli ay si wadajir ah u martigelinayaan Shirkii Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika. Wuxuu caddeeyay in munaasabaddani aysan ahayn oo keliya kulan diblomaasiyadeed, balse ay astaan u tahay iskaashi xooggan oo ka dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika. Iskaashigan, ayuu xusay, wuxuu ku dhisan yahay is-ixtiraam, mas’uuliyad wadajir ah iyo aragti mideysan oo ku wajahan horumar waara. Booqashada Ra’iisul Wasaare Melooni waxay muujinaysaa go’aanka wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, beeraha iyo hal-abuurka. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Ra'iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa qaabilay Ra'iisul Wasaare Joorjiya Meelooni-da Talyaaniga.
Feb 13, 2026 26
Sharaf iyo farxad weyn ayay ii tahay inaan ku soo dhoweeyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Joorjiya Melooni, dalka Itoobiya, annagoo si wadajir ah u martigelinayna Shirkii Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika. Munaasabaddan ma aha oo kaliya kulan diblomaasiyadeed, balse waxay astaan u tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika. Waa iskaashi ku dhisan ixtiraam wadajir ah, mas’uuliyad la wadaago iyo aragti mideysan oo ku wajahan koboc waara. Booqashada Ra’iisul Wasaare Melooni waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, beeraha iyo hal-abuurka. Ra'iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed
Ra’iisul Wasaaraha Rwanda, Dr. Justin Nsengiyumfa, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika
Feb 13, 2026 21
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Nabadda , Maxamed Idiris, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Berirhaanu Sagaaye. Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa berri ka furmaya Addis Ababa, iyadoo lagu qabanayo halku-dhigga ah: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.” Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya shirkan ayaa si isdabajoog ah u soo gaaraya caasimadda Afrika, Addis Ababa. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Morooko, Casiis Akhanooj, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika
Feb 13, 2026 22
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Marooko, Casiis Akhanooj, ayaa yimid Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boole, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Nabadda, Maxamed Idiris, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Birhaanu Sagaaye. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, Dr. Maxamed Yuunis Al-Menfi, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa
Feb 13, 2026 18
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, Dr. Maxamed Yuunis Al-Menfi, ayaa yimid Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika. Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Nabadda, Maxamed Idiris, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Birhaanu Sagaaye. Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga ah: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.” #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Saalfaa Kiir, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika
Feb 13, 2026 22
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Saalfaa Kiir ayaa yimid Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Macdanta, Injineer Habtamu Tagany. Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga ah: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.” #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Madaxweynaha Kiinya, Williayam Ruuto, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika
Feb 13, 2026 21
Addis Ababa, Cirir 6/2018 (ENA): Madaxweynaha Kiinya, Williayam Ruuto, ayaa yimid Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Wasiirka Macdanta, Injineer Habtamu Tagany. Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga ah: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.” #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika
Feb 13, 2026 17
Addis Ababa; 6-da Yekatit 2018 (ENA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaadhay Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika. Markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa ku soo dhoweysay Wasiirka Dakhliga Aynaalam Niguse iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Birhanu Sagaaye. Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa lagu qabanayaa Addis Ababa berri iyo maalinta ku xigta, iyadoo halku-dhiggiisu yahay: “Hubinta helitaanka biyo waara iyo nidaamyo nadaafadeed oo ammaan ah, si loo xaqiijiyo guusha himilooyinka Ajendaha 2063.” #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxaa ka go'an xoojinta iskaashigooda dhinacyada badan
Feb 13, 2026 16
Addis Ababa; Cirir 6/2018 (ENA): Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin ajendayaasha dhinacyada badan, oo ay ku jiraan in ay Afrika xubin joogto ah ka ahaato Golaha Amniga Q.M. Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa lagu qaban doonaa Cirir 7 iyo 8, 2018, xarunta Midowga ee Addis Ababa. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yusuf, ayaa wadahadallo la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antóniyo Guterres. Wadahadallada waxay diiradda saareen nabadda iyo amniga gobolka, horumarka waara iyo isbeddelka dhaqaalaha loo dhan yahay. Gaar ahaan, waxaa la xusay in qaybta warshadaha ee Afrika, ku darista qiimaha iyo isbeddelka qaab-dhismeedka ay door muhiim ah ka ciyaaraan kobaca, abuurista shaqada iyo xasilloonida waara. Guddoomiyaha Guddiga, Maxamuud Cali Yusuf, ayaa sheegay in iskaashiga ka dhexeeya Midowga iyo Qaramada Midoobay uu muhiim u yahay xaqiijinta nabadda, amniga iyo horumarka waara. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antóniyo Guterres, ayaa ku tilmaamay Midowga Afrika inuu yahay saaxiib istaraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo ka tirsan Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in Afrika ay door muhiim ah ka ciyaarto dib-u-habaynta nabadda caalamiga ah, amniga iyo nidaamka dhinacyo badan leh. Dooddu waxay iftiimisay baahida degdegga ah ee dib-u-habaynta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay iyo baahida loo qabo in Afrika ay yeelato kursi joogto ah oo Golaha ah. Mas'uuliyiintu waxay isku raaceen in la sii wado shaqada wadajirka ah ee Midowga iyo Qaramada Midoobay ay bilaabeen inay dib u habeeyaan nidaamka maaliyadeed ee adduunka iyo hubinta helitaanka caddaaladda ee maaliyadda Afrika, sida laga soo xigtay xogta ay ENA ka heshay Midowga. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Shirweynihii Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika ayaa maanta ka dhacaya Addis Ababa.
Feb 13, 2026 14
Addis Ababa; Cirir 6/2018 (ENA): Shirweynihii Labaad ee Talyaaniga iyo Afrika ayaa maanta ka dhici doona Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis. Shirweynuhu wuxuu sii xoojin doonaa xiriirka Talyaaniga iyo Afrika iyada oo loo marayo iskaashiga qaaradaha iyo kuwa caalamiga ah. Shirweynahan oo ka dhici doona Addis Ababa ayaa la sheegay inuu muujinayo awoodda Itoobiya ay u leedahay inay Afrika ku xirto adduunka intiisa kale. Itoobiya waxay isu diyaarinaysaa inay martigeliso Shirweynihii 39-aad ee Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Shirweynaha Talyaaniga iyo Afrika. Madaxda dowlada iyo madaxda hay'adaha, oo uu ku jiro Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoniyo Guterres, ayaa la ogyahay inuu ku sugan yahay Addis Ababa. Kani waa markii ugu horreysay ee Shirweynihii Talyaaniga iyo Afrika lagu qabto qaaradda Afrika. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoniyo Guterres ayaa soo gaaray Addis Ababa
Feb 13, 2026 13
Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antoniyo Guterres ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoniyo Guterres markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta, Fitsum Assefa (Dr.). Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoniyo Guterres ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo furitaanka Shir-madaxeedka Midowga Afrika. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kala hadlo arrimo kala duwan hoggaamiyeyaasha Afrika. Shirka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa lagu qaban doonaa cinwaanka "Hubinta Sahayda Biyaha iyo Nadaafadda Waarta; Gaaritaanka Yoolalka Ajendaha 2063". Hogaamiyayaasha ka qaybgalaya shirka ayaa sidoo kale gaaraya caasimadda Afrika, Addis Ababa. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Agenda2063 #AUsummit
Ra'iisul Wasaaraha Saa'o Tome iyo Principe Amériko de Oliveira dos Ramos ayaa soo gaaray Addis Ababa
Feb 13, 2026 14
Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaaraha Saa'o Tome iyo Principe Amériko de Oliveira dos Ramos ayaa gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Meqdhes Dhaaba. Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa lagu qaban doonaa cinwaanka "Hubinta Sahayda Biyaha iyo Nadaafadda;l Waara; Gaaritaanka Yoolalka Ajendaha 2063". Hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya shir-madaxeedka ayaa sidoo kale gaaraya caasimadda Afrika, Addis Ababa. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Agenda2063 #AUsummit
Madaxweynaha Namibiya Netumbo Nandi-Nidayutiu (Dr.) ayaa soo gaadhtay Addis Ababa.
Feb 13, 2026 14
Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Madaxweynaha Namibiya Netumbo Nandi-Nidayutiu (Dr.) ayaa soo gaadhtay magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb gasho shir madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa markii ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Dr. Maqdhes Dhaaba. Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika waxa lagu qaban doonaa hal-ku-dheggiisu yahay “Hubinta Sahayda Biyaha iyo Nadaafada waarta; Gaaritaanka Yoolalka Ajendaha 2063-ka”. Madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka ayaa sidoo kale gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta Afrika. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Agenda2063 #AUsummit
Madaxweynaha Laybeeriya Josef Nyuma Bo'akay ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa Si uu Uga Qayb Galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika
Feb 13, 2026 10
Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Madaxweynaha Laybeeriya Josef Niyuma Bo'akay ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa markii uu ku soo degay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa ku soo dhoweeyay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dr. Fitsum Assefa. Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika waxa lagu qaban doonaa hal-ku-dheggiisu yahay “Hubinta Sahayda Biyaha iyo Nadaafadda Waarta; Gaaritaanka Ajendaha 2063-ka”. Madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka ayaa sidoo kale soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta Afrika. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Agenda2063 #AUsummit
Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Sidi Cuuld Tah (Dr.) ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika
Feb 13, 2026 6
Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Sidi Cuuld Tah (Dr.), ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha Bangiga ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Boole waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta, Fitsum Assefa (Dr.). Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa la qaban doonaa Sabtida iyo Axadda soo socota iyadoo cinwaan looga dhigay "Hubinta Sahayda Biyaha iyo Nadaafadda Waarta: Gaaritaanka Yoolalka Ajendaha 2063". Hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya shir-madaxeedka ayaa sidoo kale soo gaaraya caasimadda Afrika, Addis Ababa. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Agenda2063
Madaxweynaha Mozambiik Dhani'eel Chapo ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika.
Feb 13, 2026 5
Addis Ababa; Cirir 5/2018 (ENA): Madaxweynaha Mozambiik Dhani'eel Chapo ayaa soo gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha markii uu ku soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Boole waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta, Fitsum Assefa (Dr.). Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa la qaban doonaa Sabtida iyo Axadda soo socota iyadoo cinwaan looga dhigay "Hubinta Sahayda Biyaha iyo Nadaafadda Waarta: Gaaritaanka Yoolalka Ajendaha 2063". Hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya shir-madaxeedka ayaa sidoo kale soo gaaraya caasimadda Afrika, Addis Ababa. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #AUsummit #Agenda2063
Madaxweyne Ku-xigeenka Seychelles, Sebastien Billay, oo Yimi Addis Ababa
Feb 12, 2026 38
Addis Ababa, Cirir 5/2018 (ENA): Madaxweyne ku-xigeenka Seychelles, Sebastien Billay, ayaa yimid Addis Ababa si uu uga qayb galo shirka 39-aad ee Golaha Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika. Markii uu gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa si diiran u soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Birhaanu Sagaaye. Shirka 39-aad ee Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa "Hubinta bixinta joogtada ah ee biyaha iyo nidaamyada nadaafadda ee ammaan ah, si loo gaaro guulaha Ajandaha 2063," waxaana la qorsheeyay inuu qabsoomo Sabtida iyo Axadda soo socda. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Madaxweynaha Jamhuriyadda Afrika Dhexe, Fawstin Touadhera, ayaa soo gaadhay Addis Ababa
Feb 12, 2026 37
Addis Ababa, Cirir 5/2018 (ENA): Madaxweynaha Jamhuriyadda Afrika Dhexe, Fawstin Touadhera, ayaa yimid Addis Ababa si uu uga qayb galo shirka 39-aad ee Golaha Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa marka uu gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa si diiran u soo dhoweeyay Wasiirka Beeraha, Adhisuu Araga, iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Danjire Berhanu Sagaaye. Shirka 39-aad ee Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa "Hubinta bixinta joogtada ah ee biyaha iyo nidaamyada nadaafadda ee ammaan ah, si loo gaaro guulaha Ajandaha 2063," waxaana la qorsheeyay in la qabto Sabtida iyo Axadda soo socda. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Dr. Gedhiyoon Timootiyoos ayaa la Kulmay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan iyo Mosaambiig
Feb 12, 2026 35
Addis Ababa, Cirir 5/2018 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Gedhiyoon Timootiyoos, ayaa ka qayb galay kulanka joogtada ah ee Golaha Fulinta ee 48-aad ee Midowga Afrika, halkaas oo uu si gaar ah ula yeeshay wadahadallo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan iyo Mosaambiig. Dr. Gedhiyoon Timootiyoos ayaa la kulmay Danjore Mondhay Semaya Kumbaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Koonfurta Suudaan, halkaas oo ay kaga wada hadleen arrimaha labada dhinac iyo iskaashiga gobolka. Sidoo kale, wuxuu la kulmay Maria Manuela Dos Santos Lukaas, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mosaambiig, halkaas oo ay kaga wada hadleen iskaashiga dhaqaalaha iyo adeegyada gaadiidka hawada, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga wax ku oolka ah. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�
Dr. Gedhiyoon Timootiyoos ayaa la Kulmay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Mauritius iyo Senegal
Feb 12, 2026 33
Addis Ababa, Cirir 5/2018 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Gedhiyoon Timootiyoos, ayaa ka qayb galay kulanka joogtada ah ee Golaha Fulinta ee 48-aad ee Midowga Afrika, halkaas oo uu si gaar ah ula yeeshay wadahadallo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Mauritius iyo Senegal. Dr. Gedhiyoon Timootiyoos ayaa la kulmay Dananjay Ramful, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Mauritius, iyo Sheekh Niyaang, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Senegal, halkaas oo ay kaga wada hadleen arrimaha iskaashiga labada dhinac iyo kuwa gobolka. Intaa waxaa dheer, wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga, iyo sidoo kale horumarinta adeegyada gaadiidka hawada, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga wax ku oolka ah. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya Bogagga Baraha Bulshada ee WWI: 👉 https://linktr.ee/ENADigital�