Siyaasada - ENA Af-Soomaali
Siyaasada
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida iyo masuuliyiin heer federaal ah ayaa kormeer shaqo ku tegay gobollada Liibaan iyo Afdheer
Jan 20, 2026 7
Doolo-cado, Dharabley 12/2018 (ENA): – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, oo ay weheliyaan masuuliyiin heer federaal ah, ayaa safar shaqo ku gaaray gobollada Liibaan iyo Afdheer. Weftiga madaxweynaha waxaa kamid ahaa Komishinerka Komishinka Maareeynta Khataraha Masiibooyinka ee dalka, Dr. Shifaraw Taklamaaryam, iyo masuuliyiin kale oo ka socda hay’adaha federaalka iyo kuwa deegaanka. Ujeeddada safarka shaqo ayaa la xiriirtay kormeer iyo qiimeyn lagu sameynayo xaaladaha nololeed ee bulshada, heerka saameynta ay leeyihiin khataraha masiibooyinka, iyo dadaallada socda ee wax ka qabashada dhibaatooyinka bani’aadantinimo, gaar ahaan kuwa la xiriira abaarta, fatahaadaha, iyo sugnaanta cuntada. Markii ay gaareen magaalada Doolo-cado, Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa si diirran u soo dhaweeyay maamulka gobalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Masuuliyiinta ayaa halkaas ka jeediyay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee gobollada Liibaan iyo Afdheer, caqabadaha jira, iyo baahiyaha mudnaanta leh. Inta uu safarku socdo, waxaa la filayaa in weftigu booqdo goobo ay ka socdaan mashaariic horumarineed, xeryo ay ku nool yihiin dad dhibaatooyin ka soo barakacay, iyo xarumo dowladeed, si ay si dhow ula socdaan shaqada ka socota dhulka, ugana helaan xog dhab ah oo lagu saleeyo go’aanno wax ku ool ah. Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo dardargelinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha bini’aadantinimo iyo horumarineed ee ka jira deegaanka.
Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa iskaashiga kala duwan ee uu la leeyahay Itoobiya
Jan 16, 2026 86
Addis Ababa, Dharabley 8/2018 (ENA): Xoghayaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Olof Skoug, ayaa sheegay in iskaashiga Midowga Yurub uu la leeyahay Itoobiya uu si joogto ah u sii socdo, kana dhaco dhinacyo kala duwan. Madaxweyne Taaye Asqasilaase ayaa shalay la kulmay Olof Skoug, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Itoobiya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga. Xoghayaha siyaasadda ayaa intaa ku daray in kulanka uu diiradda saaray horumarinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub uu siinayo Itoobiya dhinaca dhaqaalaha, iyo iskaashiga mustaqbalka ee ganacsiga iyo maalgashiga. Waxa uu sheegay in Itoobiya, iyada oo ku saleynaysa horumarinta joogtada ah ee teknoolojiyada iyo dadaallada wax ku oolka ah, ay gacan ka geysanayso ka faa’iideysiga iskaashigan. Intaa waxaa dheer, Midowga Yurub ayaa ka shaqeynaya hirgelinta mashruuc la yiraahdo “Istiraatijiyad caalami ah oo Midowga Yurub iyo dalal kale ay ku xoojinayaan iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta, iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalalka kale, si loo dhiirrigeliyo ganacsiga, maalgashiga, iyo isku xirka caalamiga ah—Global Gateway” oo xoojinaya iskaashiga dhaqaale iyo horumarineed ee labada dhinac, kadib markii la dhameystiray heshiisyadii hore ee labada dhinac. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waa saaxiibbo lagu kalsoonaan karo oo Itoobiya ay leedahay – Gedhiyoon Timootiwoos (Dr.)
Jan 15, 2026 48
Addis Ababa, Dharabley 7/2018 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedhiyoon Timootiwoos (Dr.), ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ay yihiin saaxiibbo lagu kalsoonaan karo oo Itoobiya ay leedahay. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub, Ulof Skuggi, halkaas oo ay ku wada yeesheen wadahadal. Intii ay wada hadlayeen, Gedhiyoon Timootiwoos (Dr.) wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Midowga Yurub uu yahay iskaashi muhiim ah oo ku dhisan qiyam iyo rajooyin wadaag ah, isla markaana Midowga Yurub iyo dalalkiisa xubnaha ka ah ay yihiin saaxiibbo lagu kalsoonaan karo oo Itoobiya ay leedahay. Wasiirku wuxuu sidoo kale kala hadlay dadaallada ay Itoobiya ku doonayso is-dhexgalka gobolka, isagoo xusay in dadaalladaasi ay waafaqsan yihiin hindisaha marinka dunida ee Midowga Yurub, isla markaana ay muujinayaan go’aanka Itoobiya ee kor loogu qaadayo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka. Isagoo ka faa’iideysanaya jawiga wanaagsan ee maalgashi ee ay abuureen isbeddellada dhaqaale ee socda, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku boorriyay shirkadaha Yurub inay kordhiyaan maalgashigooda gudaha Itoobiya. Dhankiisa, Ulof Skuggi wuxuu xaqiijiyay in Midowga Yurub uu sii xoojin doono taageeradiisa ku aaddan isbeddellada dhaqaale ee Itoobiya iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya. Sidoo kale, Ulof Skuggi wuxuu hambalyo u jeediyay Itoobiya kadib markii loo doortay martigelinta shirka COP32, isagoo sheegay in Midowga Yurub uu bixin doono iskaashiga lagama maarmaanka ah si loo hirgeliyo himilooyinka horumarineed ee Itoobiya. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha danaha wadaagga ah.
Qorshayaasha iyo fikradaha Xisbiga Barwaaqo natiijooyin la taaban karo ayay keenayaan – Aadan Faarax
Jan 15, 2026 57
Hoosaanaa, Dharabley 7/2018 (ENA): Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xarunta Isku-duwidda Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyadda lehna awood Ra’iisul Wasaare ku xigeen, Mudane Aadan Faarax, ayaa sheegay in qorshayaasha iyo fikradaha Xisbiga Barwaaqo ay si guud uga hirgelayaan dhammaan deegaannada isla markaana ay keenayaan natiijooyin muuqda. Mudane Aadan Faarax ayaa hadalkan ka sheegay madal lagu qiimeynayay waxqabadka lixda bilood ee sanad-miisaaniyeedka 2018 ee Xisbiga Barwaaqo, taas oo ka socota magaalada Hosaanaa. Madashaasi waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ay diyaariyeen xafiisyada laamaha xisbiga, waxaana laga yeeshay dood iyo falanqeyn. Wuxuu sheegay in warbixinnada ka yimid deegaannada iyo maamullada magaalooyinku ay muujinayaan in qorshayaasha iyo fikradaha xisbiga ay ka hirgaleen dhammaan deegaannada iyagoo helaya taageerada iyo aqbalaadda shacabka. Mudane Aadan Faarax ayaa sidoo kale tilmaamay in horumar laga sameeyay diyaarinta qorsheyaal isku xiran oo kor u qaadaya wax-ku-oolnimada shaqada xisbiga, iyo dadaallada lagu dhisayo hoggaan adag oo si anshax leh u hirgeliya fikradaha xisbiga, kadib marka si qoto dheer loo fahmo. Dhanka adeeg-bixinta, wuxuu xusay in ballaarinta adeegga xarumaha “Meesob Hal-goob” ay gacan ka geysatay xalinta cabashooyinka la xiriira maamul-wanaagga ee ay dadweynuhu soo bandhigaan, isla markaana ay keentay natiijooyin wax ku ool ah. Wuxuu intaas ku daray in hirgelinta fikradaha kale ee xisbiga, oo ay ka mid yihiin horumarinta mashruuca marinada iyo barnaamijka dhaqo oo dheefso iyo dalag iyo daryeel, ay keentay natiijooyin la taaban karo, maadaama shacabka si wadajir ah uga qayb qaateen fulinta hawlahaas. Mudane Aadan Faarax ayaa carrabka ku adkeeyay in dadaallada lagu dardargelinayo horumarka iyo lagu xaqiijinayo maamul-wanaagga ay sii socon doonaan si xooggan dhammaan deegaannada, isla markaana hoggaanku uu si feejigan uga shaqeeyo hirgelinta ajendayaasha horumarinta iyo isbeddelka guud ee xisbigu dejiyay, si loo hubiyo in shacabka si caddaalad ah uga faa’iideystaan. Madasha waxaa ka qaybgalaya hoggaaminta sare ee xisbiga, mas’uuliyiinta xafiisyada laamaha Xisbiga Barwaaqo ee deegaannada iyo labada maamul-magaalo, iyo sidoo kale hoggaanka garabka dhallinyarada ee xisbiga.
Deegaanka Amxaarada waxaa si xooggan looga shaqeynayaa xoojinta nabadda si loo xaqiijiyo horumar – Madaxweyne Aragaa Kabadha
Jan 15, 2026 51
Madaxweynaha Deegaanka Amxaarada, Argaa Kabadha, ayaa sheegay in si xoogan looga shaqeynayo xallinta dhibaatooyinka iyada oo loo marayo wadahadal nabadeed iyo adkeynta nabadda, si loo xaqiijiyo horumar dhamaystiran oo ka hana qaada guud ahaan deegaanka. Wuxuu hadalkan ka sheegay dood cilmiyeed ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wakaaladda Wararka Itoobiya iyo Xafiiska Warfaafinta ee Deegaanka Amxaarada, kaas oo ku socda hal-ku-dhegga ah “Xoojinta nabadda; horumarinta khayraadka”, kuna qabsoomaya magaalada Baahir Dhaar. Khudbaddiisa, Madaxweyne Argaa Kabadha wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabaddu tahay aasaaska horumarka iyo kobaca. Wuxuu sheegay in si habboon loo horumarin karo khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadam ee deegaanka, iyo sidoo kale awoodaha ku jira beeraha, macdanta, dalxiiska iyo warshadaha, kaliya marka ay jirto nabad iyo xasillooni, si loo xaqiijiyo in shacabka ka faa’iideystaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda ay mudnaan gaar ah siineyso nabadda, isla markaana ay waddo dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in dhibaatooyinka si waara loogu xalliyo wadahadal. Arrintan awgeed, ayuu sheegay in ilaa 28 kun oo dagaalyahanno hore ah ay aqbaleen baaqa nabadda ee dowladda, tababar dib-u-habeyn ahna qaateen, kaddibna ay dib ugu biireen bulshada. Wuxuu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha kooxaha hubeysan ee doortay waddada nabadda ay caddeeyeen in xallinta arrimaha siyaasadeed lagu maro wadahadal iyo hannaan dimuqraadi ah, halkii xoog loo adeegsan lahaa, ay tahay waddada kaliya ee lagu kalsoonaan karo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in tani ay gacan weyn ka geysan doonto xallinta joogtada ah ee caqabadaha amni ee ka jira gobolka, isla markaana lagu laaban doono hawlaha horumarineed ee caadiga ah. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in doodda maanta socota ee ku saleysan hal-ku-dhegga “Xoojinta nabadda; horumarinta khayraadka” ay muhiim u tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda laguna xaqiijinayo horumarka Deegaanka Amxaarada.
Booliska Federaalka ayaa Qabtay in ka badan 56,000 oo Hub iyo Rasaaso kala duwan ah oo ay Dowladda Eritiriya u dirtay Jabhadaba hubaysan ee ku howlgala Magaca Faano
Jan 15, 2026 49
Addis Ababa; Dharableey 7/2018 (ENA): Booliska Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay qabteen in ka badan 56,000 oo hub iyo rasaas kala duwan ah oo ay Dowladda Eritiriya u dirtay jabhadaha hubeysan ee ku shaqeysata magaca Fano. Booliiska Federaalka Itoobiya, oo kaashanaya hay'adaha kale ee amniga, ayaa ku dhawaaqay inay qabteen in ka badan 56,000 oo hub iyo rasaas kala duwan ah iyo laba tuhumane oo ay Dowladda Eritiriya u dirtay inay hubeyso jabhadaha hubeysan ku shaqeysata magaca Faano, kuwaas oo kaashanaya cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya si ay u carqaladeeyaan nabadda dalkeenna. Baaritaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay labada tuhmane ee lagu qabtay howlgalka ayaa lagu ogaaday in rasaasta ay soo dirtay Dowladda Eritiriya iyo kooxda xagjirka ah ee TPLF ee ku sugan Maqale, Deegaanka Tigray, ayna u gudbinayaan Shewarobit, Deegaanka Amxaarada, si ay ugu geyso Jabhadaha hubeysan ee ku ganacsata magaca Faano. Kooxda xagjirka ah ee TPLF iyo dowladda Eritiriya oo midaysan, ayaa qorsheyneya inay carqaladeeyaan nabadda dalkeenna iyagoo hubeynaya jabhadaha ku ganacsata magaca Fano. Waxaa lagu qabtay koontaroolka Woldhiya iyagoo u raraya 41,999 rasaas Clash ah, 14,000 rasaas Bren ah iyo 800 rasaas ah, wadarta guudna waa 56,799 rasaas ah. Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay inay baarayaan labada tuhmane ee la xiray. Booliska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in kooxahan cadowga ah ay hadda u dhaqaaqayaan inay waxyeello u geystaan dalkeenna, iyo in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan xoojinta howlgalka ay bilaabeen, waxayna ugu baaqeen dadweynaha inay la shaqeeyaan ciidamada amniga oo ay siiyaan taageeradooda caadiga ah.
Dadaallada Xisbiga Barwaaqo ee lagu dhisayo dowlad xooggan oo ku salaysan mabda'a Wadajirka iyo midnimada qaranka ayaa natiijooyin guul leh keenaya - Mudane Aaden Faarax
Jan 14, 2026 70
Hosanna, Dharableey 6/2018 (ENA): Dadaallada Xisbiga Barwaaqo ee lagu dhisayo dowlad xooggan oo ku salaysan mabda'a wadahirka iyo midnimada qaranka ayaa natiijooyin guul leh keenaya, ayuu yiri Mudane Aaden Farax, Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga iyo Madaxa Xarunta Isku-dubaridka Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiga lehna awwood darajada Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen. Madal dib loogu eegayo waxqabadka sannad-miisaaniyeedka lixda bilood ah ee Xisbiga Barwaaqo ayaa ka bilaabatay magaalada Hosanna. Isagoo ka hadlayay madasha, Aaden Faarax, Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga iyo Madaxa Xarunta Isku-dubaridka Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiga oo leh awwood Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen, Wuxuu sheegay in dadaallada Xisbiga Barwaaqo ee lagu dhisayo dowlad xooggan oo ku salaysan fikradda wadajirka iyo Midnimada Qaranka ay gaarayaan natiijooyin guul leh. Wuxuu sheegay in dadaallo lagu bixinayo sidii loo dhisi lahaa waddan barwaaqo ah oo ku habboon dhammaan muwaadiniinta iyadoo la xoojinayo halganka wadajirka ah iyo in jiilka soo socda looga tago dhaxal horumarineed. Wuxuu sheegay in xisbigu uu sidoo kale sameeyay hawlo guul leh oo ku saabsan dhismaha hay'ad xooggan oo ka jirta Itoobiya iyo abuurista hoggaan xooggan oo ku salaysan hal-abuur iyo xawaare. Wuxuu sidoo kale xusay in dadaallo lagu bixinayo sidii loo xaqiijin lahaa mashaariic kale oo waaweyn iyadoo la dhammaystirayo dhismaha Biyo-xidheenka Weyn ee Itoobiya. Wuxuu sidoo kale xusay inay ka shaqeynayaan dhisidda awoodda hoggaanka iyo xubnaha iyagoo raacaya habka hal qorshe iyo hal warbixin, laga bilaabo dhismaha Itoobiyada Dijitaalka ah. Wuxuu sheegay in hawlo kala duwan oo hubinaya faa'iidada dadweynaha la qorsheeyay in la qabtay SM-ka 2018, hawlo guul lehna ilaa hadda la qabtay sida ku xusan qorshaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in madasha maanta ay fursad u siin doonto dib u eegista guulaha laga gaaray qaybaha kala duwan, xoojinta, iyo ku talinta hawlaha mustaqbalka. Madaxda xafiisyada laamaha Xisbiga Barwaaqada iyo hoggaamiyeyaasha garabka dhallinyarada ee dhammaan deegaannada iyo labada ismaamul magaalo ayaa ka qayb qaadanaya madasha.
Midowga Afrika iyo Jabaan ayaa ballan qaaday inay xoojin doonaan iskaashigooda.
Jan 14, 2026 54
Addis Ababa; Dharableey 6/2018 (ENA): Midowga Afrika iyo Jabaan ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda dhinacyada badan leh. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yusuf, ayaa xarunta Midowga Afrika wadahadallo kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jabaan, Ayano Kunimitsu. Guddoomiyaha Guddiga ayaa xasuusiyay in Midowga Afrika iyo Jabaan ay lahaayeen iskaashi soo jiray muddo ka badan soddon sano taas oo ku salaysnayd qaab-dhismeedka madasha Caalamiga ah ee Jabaan iyo Afrika (TICAD). Wuxuu xusay in Shirweynihii 9-aad ee Caalamiga ahaa ee Jabaan iyo Afrika (TICAD) ee lagu qabtay Yokohama bishii Xoorreey 2017 T.I uu ahaa guul muhiim ah oo ku timid iskaashiga labada dhinac. Wadahadalladu waxay ujeeddadoodu ahayd in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac. Taageerada Jabaan ee Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (CDC Afrika) iyo maalgashigeeda mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee taageera kobaca waara ee Afrika iyo isku xirnaanta ayaa sii kordhayay. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jabaan, Ayano Kunimitsu, ayaa ammaanay qabsoomidda guusha leh ee Madasha 9-aad ee Jabaanka iyi Afrika ee Horumarinta (TICAD). Wuxuuna caddeeyey in jabaanka ay ka go'an tahay inay si dhow ula shaqeyso Guddiga Midowga Afrika si ay u martigeliso shirka 10-aad ee TICAD ee Afrika. Waxa kale uu sheegya in Jabaan ay sii wadi doonta inay taageerto dadaallada muhiimka ah ee ay mudnaanta siisay Midowga Afrika, oo ay ku jiraan Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) iyo Barnaamijka Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Afrika (AfID). Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale iftiimiyay doorka sii kordhaya ee Afrika ee maamulka caalamiga ah, isagoo xusay in xubinnimada joogtada ah ee AU ee G20 ay tahay tallaabo weyn. Labada dhinaca waxay caddeeyeen inay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashigooda iyada oo loo marayo Madasha Wadatashiga Heerka Sare ee Midowga Afrika iyo Japan iyo TICAD. Midowga Afrika iyo Jabaan waxay aasaaseen iskaashigooda sanadkii 1993 T.Y. Nabadda iyo amniga, dhaqaalaha, horumarka, ganacsiga, caafimaadka, beeraha, tignoolajiyada iyo yaraynta isbeddelka cimilada ayaa ka mid ah dhinacyada iskaashiga labada dhinac.
Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulankoodii 51-aad ee joogtada ah ka yeeshay arrimo kala duwan, iyaga oo ka soo saaray go’aanno muhiim ah
Jan 9, 2026 78
Go’aannada kulanka Golaha Wasiirrada ee 51-aad ayaa kala ah: 1. Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday oggolaanshaha wax-soo-saarka macdanta iyo heshiisyada muhiimka ah ee macdanta kala duwan. Heshiisyadani waxay ka caawinayaan dalka helitaanka lacag shisheeye, abuurista fursado shaqo, taageeridda wax-soo-saarka gudaha, iyo hubinta in beeraha dalka helaan agab macdan ah oo ku filan, iyaga oo u hoggaansamaya siyaasadda dowladda. 2. Golaha ayaa sidoo kale ka dooday siyaasadda horumarinta guryaha. Inkasta oo dadaallo hore loo sameeyay si loo helo guryo ku filan, haddana baahida guryaha ayaa wali jirta. Sidaa darteed, waxaa la diyaariyay siyaasadda guryaha ee u oggolaanaysa bixinta guryo tayo leh, la heli karo, oo waara dhammaan muwaadiniinta, iyadoo la hubinayo hufnaanta sharciga iyo siyaasadda. 3. Goluhu wuxuu ka dooday heshiiska taageerada maaliyadeed ee lala galay Bangiga Koritaanka & Dhoofinta Korea, kaas oo bixin doona $30,000,000 oo doolar oo loogu talagalay qalabka beeraha iyo mashruuca Hirgelinta Qeybta 2aad, iyadoo dulsaarka uu yahay 0.01% oo lagu bixiyo muddo 40 sano ah. Golaha ayaa xaqiijiyay in heshiiskani uu la jaanqaadayo siyaasadda maaliyadeed ee dalka. 4. Waxaa sidoo kale la ansixiyay sharciga cusub ee khidmadaha adeegyada socdaalka iyo dhalashada, si loo hubiyo in adeegyada la bixiyo ay yihiin kuwo tayo leh, la awoodi karo, isla markaana ku habboon bulshada. 5. Golaha ayaa ka dooday sharciga dib-u-habaynta ururrada bulshada rayidka ah, si uu u waafaqo isbeddellada qaran iyo siyaasadaha horay loo dejiyay. 6. Waxaa la ansixiyay dib-u-habeyn lagu sameeyay sharciga amniga hawada ee xeer lambar . 432/1997, si loo xoojiyo ammaanka, hufnaanta, iyo ka hortagga khataraha. 7. Golaha ayaa ka dooday laba sharci oo muhiim ah: mid lagu aasaasayo adeegyo hal meel ah oo lagu cabbiro loona fududeeyo adeegyada dowladda, iyo mid lagu hagaajinayo Machadka Horumarinta Awoodda iyo Hoggaanka Itoobiya si ay u qeexdo awoodda, waajibaadka, iyo masuuliyadda. Labadaba sharcigaas ayaa hirgali doona marka lagu daabaco jaraa'idka Nagaariit. 8. Waxaa la ansixiyay sharciga maaliyadda ee sanduuqa horumarinta adeegyada isgaarsiinta, si loo qeexo dakhliga, ilaha, iyo maamulka sanduuqa, taasoo waafaqsan sharciga isgaarsiinta ee dalka. 9. Golaha ayaa ka dooday siyaasadda ciyaaraha ee dalka, si loo xoojiyo ka qaybgalka bulshada, loo hirgeliyo nidaamyo xog ururin iyo tiknoolajiyad casri ah, loona horumariyo ciyaaraha bulshada. 10. Ugu dambeyntii, goluhu wuxuu ansixiyay sharci cusub oo lagu maamulo horumarinta iyo maamulka ciyaaraha dalka, kaas oo hubinaya faa’iido bulsho, dhaqaale, iyo siyaasadeed, isla markaana dhisaya nidaam sharci iyo maamul casri ah oo hufan. #XafiiskaRaysalWasaarahaItoobiya
Wadatashi qaran, dhaqanka dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay’adaha waa tiirarka lama huraanka u ah dhismaha dal ay dhammaan ku wada noolaan karaan
Jan 9, 2026 69
Addis Ababa, Xoorreey 28/2018 (ENA): Wuxuu xusay in si loo xalliyo caqabadaha Itoobiya loohuna hormariyo dalka awood mideysan, aqoonyahannadu ay tahay in ay ka bilaabaan soo saarista fikrado iyo sameynta daraasado xal-raadin ah, una sii gudbiyaan fulinta hawlo dhab ah oo keena isbeddel la taaban karo. Markii wax laga weydiiyay sida loo xallin karo kala duwanaanshaha siyaasadeed, wuxuu sheegay in xallinta kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka jira Itoobiya ay tahay arrin u baahan go’aan adag iyo mowqif cad. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in fikirrada xagjirka ah ee ka jira deegaannada kala duwan aysan dalka horay u qaadi karin, balse haddii lagu shaqeeyo fikradda ah in “Itoobiya waan wada leenagay,” lagu tallaabsan karo marxalad ka wanaagsan tan hadda la joogo. “Taariikhda miisaan ayaan ku eegnaa, maantana dadaal, berrina rajeyn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo xusay in ay lama huraan tahay in dhammaan bulshada la siiyo fursado siman. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dhismaha midnimo qaran oo xooggan lagu gaari karo oo keliya iyada oo la dhisayo taariikh-wadaag qaran, isla markaana dowladdu arrintan mudnaan siinayso kana shaqeyneyso si joogto ah. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itoobiya ayaa aasaaska u dhigaysa horumarinta garaadka macmalka - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Jan 9, 2026 63
Addis Ababa; Xoorreey 27/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in Itoobiya ay aasaaska u dhigayso sirdoonka macmalka ah, oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka siyaasadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa kalmad ka jeediyay madal dood ah oo loo abaabulay in lagu xuso sannad-guuradii 75-aad ee aasaaska Jaamacadda Addis Ababa. Waxa kale oo uu ka jawaabay su'aalo ka yimid aqoonyahanno ka tirsan madasha dood-wadaagga. Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in saameynta iyo doorka garaadla macmalka (AI) ay si weyn ugu sii kordhayso adduunka. Wuxuu xusay in AI uu beddelay shaqooyin badan sannadka 2025 wuxuuna sheegay inay sii wadi doonto inay sii xoogaysato. Ra'iisul Wasaaraha, oo sheegay inuusan ka baqayn in AI ay joojiso shaqada; wuxuu sheegay in shaqada aadanuhu ay beddelayso shaqooyinka aan aadanuhu qaban karin. Annaga ayaa ah kuwa abuura AI, annaga ayaa ah kuwa beddela AI, laakiin marka hore waa inaan aasaaska dhignaa, ayuu yiri. Wuxuu xusay in dowladdu ay diyaarinayso oo ay hirgelinayso siyaasad iyo istaraatiijiyad loogu talagalay garaadka macmalka ah, wuxuuna sheegay in Matxafka Sayniska uu yahay mid ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu sidoo kale sharraxay in kaabayaasha dhaqaalaha iyo kartida ay door muhiim ah ka ciyaaraan qaybta. Wuxuu sidoo kale sheegay in Jaamacadda AI ee Itoobiya ay dhisayso la rumeysan yahay inay xallinayso dhibaatooyin badan oo Itoobiya iyo Afrika ah. Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in waxa ugu weyn ay tahay carruurteenna, dadaalna la gelinayo si loo abuuro jawi ay carruurteennu ku tartami karaan oo aan loo arkin kuwo ka liita kuwa kale. Wuxuu xusay inay muhiim tahay in hore loo tartamo oo hore loo joogo, wuxuuna sheegay in AI-ga lagu arko sidaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in AI-gu uu door muhiim ah ka ciyaari doono fududeynta hawlaha iyo badbaadinta waqtiga. Ardaydu waa inay sidoo kale isticmaalaan AI; wuxuu sheegay in ardayda abuurtay si ay su'aal uga keenaan tiknoolajiyadda ay noqon karaan kuwo tartan badan. Ra'iisul Wasaaraha, oo sheegay in awoodda su'aal-weydiintu ay tahay xirfad, ayaa sheegay in AI ay dhisi doonto awoodda ardayda arrintan. Isagoo sheegay in jiilkii ugu horreeyay uu mudnaanta siiyay dhaqaalaha, jiilkii labaadna uu mudnaanta siiyay siyaasadda, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in xilligan hadda uu yahay jiil fikrado ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in jiil jecel fikradaha uu xallin doono oo uu fududayn doono dhibaatooyinka. Isagoo sheegay in AI ay u baahan tahay diyaargarow iyo shaqo, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu yiri; Waxaan ku guuleysan karnaa inaan wajahno xaqiiqada halkii aan ka cabsan lahayn. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #WWI
Iskaashiga dhaqaalaha ee Itoobiya iyo Shiinaha ayaa sii kordhaya, iyadoo si weyn u ballaarinaya ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya labada dal
Jan 9, 2026 98
Addis Ababa; Dharabley 1/2018 (ENA): Adeegga Isgaarsiinta Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Itoobiya iyo Shiinaha uu sii kordhayo, taasoo si weyn u ballaarinaysa ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya labada dal. Adeegga Isgaarsiinta Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ku saabsan xiriirka Itoobiya iyo Shiinaha. Bayaanka oo dhammaystiran waa sida soo socota. Iskaashiga dhammaystiran waa laf-dhabarta iskaashiga Itoobiya iyo Shiinaha Isweydaarsiga ganacsiga ee Itoobiya iyo Shiinaha ayaa dhaafay 13 bilyan oo doolar. Adeegga Isgaarsiinta Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Xoorreey 30/2018 Iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Itoobiya iyo Shiinaha ayaa sii kordhayay, isagoo si weyn u ballaarinaya ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya labada dal. Tani waxay wadarta guud ee ganacsiga labada dal ka dhigaysaa in ka badan 13 bilyan oo dookar taasoo muujinaysa in Shiinuhu uu xoojinayo xiriirka uu la leeyahay Itoobiya oo ah lammaane ganacsi oo weyn. Wax soo dejinta Itoobiya ee Shiinaha ayaa sidoo kale kordhay qeybtii hore ee sanadka, iyadoo gaartay 1.57 bilyan bishii Cuur oo keliya, taasoo ah koror boqolkii 22 ah marka loo eego sannadkii hore. Socodka maalgashiga tooska ah ee shisheeye (FDI) ayaa sidoo kale ahaa mid xooggan, iyadoo Shiinuhu uu hormuud ka ahaa mashaariicda wax soo saarka, waddooyinka iyo dhismaha. Balaarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo helitaanka dhaqaale si loo dedejiyo safarka dijitaalka ah ee Itoobiya, gaar ahaan meelaha tareenada, beeraha warshadaha iyo mashaariicda korontada, ayaa xoojisay iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labada dal. Iskaashiga dhaqaale waa laf-dhabarta iskaashigan, Shirka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Itoobiya iyo Shiinaha oo lagu qabtay Addis Ababa bishii Cirir 2017 ayaa sii xoojiyay iskaashiga dhaqaale ee maalgashiga, ganacsiga iyo silsiladaha saadka. Ku biiritaanka Itoobiya ee isbahaysiga dhaqaale ee cusub ee caalamiga ah, BRICS+, sanadkan wuxuu ballaariyay fursadaha casriyeynta iyo helitaanka suuqyada caalamiga ah, oo ay ku jirto Shiinaha. Iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac ee sii kordhaya ayaa muhiimad istiraatiiji ah u leh labada dal. Waxay Itoobiya siinaysaa marin u helidda raasamaalka, tignoolajiyada iyo suuqyada muhiimka u ah aragtideeda dijitaalka ah, iyadoo u adeegaysa albaab u ah Afrika Shiinaha. Gaar ahaan, waxay la jaanqaadaysaa aragtida fog ee Shiinaha ee ku aaddan horumarinta wadajirka ah iyada oo loo marayo Hindisaha Belt and Road. Marka la eego arrintan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa yimid Addis Ababa Xoorreey 30, 2018, si uu u bilaabo booqashadiisa dibadda ee Sannadka Cusub ee Shiinaha. Booqashadan waa qayb ka mid ah taariikhda 36-ka sano ah ee Shiinaha uu ku bilaabay safarkiisii ugu horreeyay ee diblomaasiyadeed ee sanadka ee dalalka Afrika. Booqashada waxaa ka mid noqon doona Itoobiya, Soomaaliya, Tansaaniya, iyo Lesotho, taas oo aan kaliya muujinayn sida Shiinaha uga go'an tahay Geeska Afrika iyo inta kale ee Afrika, laakiin sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaartaa hubinta in xiriirka Itoobiya iyo Shiinaha uu sii ahaado saldhigga iskaashiga Afrika iyo Aasiya. Labada dal ayaa maanta ka wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada sida dhaqaalaha, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, sahayda tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale meelaha soo ifbaxaya sida ganacsiga elektaroonigga ah, dhaqaalaha dijitaalka ah, sirdoonka macmalka ah, iyo horumarinta tamarta cagaaran. Guud ahaan, booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi waxay sii xoojin doontaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ballaaran ee u dhexeeya Itoobiya iyo Shiinaha, waxayna noqon doontaa mid muhiim u ah hirgelinta heshiisyadii lagu gaaray Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee lagu qabtay Beijing. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itoobiya iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlay siyaabaha loo sii xoojin karo xiriirka dhinacyada badan ee labada dal.
Jan 9, 2026 73
Addis Ababa, Xoorreey30/2018 (ENA):Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) ayaa shegay in Itoobiya iyo Shiinaha ay ka wada hadleen siyaabaha loo sii xoojin karo loona sii horamariyo xiriirkooda wajiyada badan. Farriin uu ku qoray bartiisa bulshada, Ra'iisul Wasaare Abiy (Dr) ayaa yiri; Maanta, waan qaabilay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi anaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal , ka gobalka iyo kan labada shacab ee Itoobiya iyo Shiinaha ee walaaltinmadu kadaexayso. Waxa kale oo uu xusay in Itoobiya iyo Shiinaha ay tobanaankii sano ee danbeyay gaadheen xiriiraad xooggan . Waxa kale oo uu ku tilmaamay in xiriirkan wanaagsan dhawaan loo balaadhiyay iskaashi istaraatiiji ah oo waara. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay ayuu yidhi sidii loo sii wadi lahaa ballanqaadkayaga ahaa inaan raacno mowduucyo kala duwan oo iskaashi horumarineed ah. Waxaan kale oo aan ka wada hadalnay xoojinta iskaashigayaga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, quwada tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale waaxya sii kordhaaya ee sida ganacsiga elektaroonigga ah, dhaqaalaha dijitaalka ah, sirdoonka garaadka macmalka ah iyo horumarinta tamarta cagaaran, ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi oo booqasho rasmi ah ku yimid Addis Ababa Itoobiya
Jan 9, 2026 73
Addis Ababa, Xoorreey 30/2018 (ENA):Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Itoobiya . Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa maanta Qasriga Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, sida uu ku shaaciyay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha. Booqashadan waxaa la filayaa inay ku jirto wadahadallo ku saabsan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha gobolka ee danaha guud. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Ciidamadii ugu badnaa deegaanka ayaa tababar loogu soo xidhay Birqod
Jan 5, 2026 101
Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xidhay kumannaan askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka Deegaanka, kuwaas oo ku qalin-jabiyay xerada tababarka ee Gaashaanle Khadar. Qalin-jabintan ayaa astaan u ah dadaallada joogtada ah ee xukuumadda isbeddelku ku xoojinayso tayada, tirada iyo awoodda ciidamada, si loo sugo nabadda, xasilloonida iyo badbaadada shacabka. Ciidamadan qalin-jabiyay ayaa soo maray tababarro isugu jira kuwo ciidan, anshax, wadaninimo iyo ilaalinta ammaanka bulshada, kuwaas oo kor u qaadaya awoodda ay u leeyihiin sugidda nabadda, xasilloonida iyo difaaca deegaanka. Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay ciidamada deegaanku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, sharciga iyo badbaadada shacabka, isagoo tilmaamay in qalin-jabintani ay tahay tallaabo kale oo lagu xoojinayo awoodda ammaanka guud. Dufcadda maanta tababarka loosoo xidhay ayaa noqonaysa midii 18aad. Si guud 14 dufcadood oo ciidamada kala duwan ee deegaanka ah oo 10 kamid ah ay yihiin ciidamada Booliska DDS ayaa isbaddelka kaddib ciidamada lagu soo kordhiyay, taasi oo ka dhigan in la soo biiriyay tiro ka badan labanlaab ciidamadii dawladihii ka horreeyay xukuumadda isbaddelka. Xukuumaddu, muddadii ay hoggaanka deegaanka haysay, waxay horumar muuqda ka samaysay dhismaha iyo tayeynta ciidamada ammaanka, iyada oo si la taaban karo loo kordhiyay tirada, tayada iyo zaadka ciidamada. Tani waxay ka tarjumaysaa sida ay xukuumaddu mudnaanta u siisay amniga iyo xasilloonida deegaanka, taas oo saldhig u ah horumar waara iyo deegaan nabdoon. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Dawladda ayaa diiradda saareysa dhisidda nabadd waarta – Wasiir Maxamed Idriis
Jan 5, 2026 100
Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Wasiirka Nabadda Maxamed Idriis ayaa sheegay in dowladda ay si weyn uga shaqaynayso dhisidda nabad waarta iyo abuuridda dhaqan lagu xalliyo khilaafaadka iyadoo loo marayo wada-hadal. Dowladdu waxa ay u qaadatay siyaasadda nabadda iyo wadahadalka sidii jidka ugu habboon ee lagu gaari karo horumar waara oo dalka ah, waxaana lagu sheegay in ay si joogto ah ugu hawlan tahay hawlahaas. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in dowladda ay ka shaqaynayso fulinta hawlo wax ku ool ah oo la xiriira dhisidda nabadda gudaha dalka iyo qorshayaasha waarta ee nabadda, tan iyo markii isbeddelka lagu sameeyay maamulka dalka. Waxaa la adkeeyay in dhisidda wadan xooggan ay ku xiran tahay midnimo iyo wada-tashiga shacabka, isla markaana dowladda ay qaadatay mowqif adag oo arrintan ku aaddan. Sidoo kale, dowladda ayaa soo bandhigtay dadaallo ay ku casriyaynayso gudbinta dadkii hore ee ka baxay dariiqa nabadda, iyadoo dib loogu soo celinayo nolol nabadeed, isla markaana la dhiirrigelinayo ka qaybgalka bulshada si ay door wax ku ool ah uga qaataan dhisidda nabadda iyo horumarka qaranka. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Gedhiyoon Timootiwoos (Dr.) oo la kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Cumaan
Jan 5, 2026 64
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedhiyoon Timootiwoos, ayaa la yeeshay kulan xafiiskooda ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Cumaan ee Arrimaha Siyaasadda, Sheekh Khaliifa Bin Cali Al-Hartin. Gedhiyoon (Dr.) ayaa intii uu kulanka socday ku adkeeyay in Itoobiya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka joogtada ah iyo ka faa’iidaysiga danaha labada dhinac, iyo sidoo kale in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dal. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in ganacsatada Cumaan ay ka faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee ka jira Itoobiya, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha. Labada dhinac waxay ka wada hadleen iskaashiga beeraha iyo wax-soo-saarka, warshadaha, dalxiiska, iyo xoojinta xiriirka dadweynaha iyo bulshada, iyagoo muujiyay muhiimadda iskaashiga. Sheekh Khaliifa Bin Cali Al-Hartin ayaa dhanka kale sheegay in Cumaan ay si weyn u xiiseyneyso xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee ay la leedahay Itoobiya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale isku afgartay in la isweydaarsado talooyin ku saabsan arrimaha wadajirka ah iyo xaaladaha nabadgelyo iyo ammaan ee gobolka. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Hannaanka doorashooyinka oo lagu xoojinayo teknolojiyadda si looga dhigo mid degdeg ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo
Jan 5, 2026 61
Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Waxaa la sheegay in doorashooyinka marka lagu taageero teknolojiyadda ay noqdaan kuwo degdeg ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo, sida uu tilmaamay Madaxweynaha Maxkamadda Federaalka, Tewodhroos Mihret. Komishinka Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in ka badan 30,000 oo degmo doorasho, diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo musharrixiinta lagu sameyn doono hab dijitaal ah. Komishinka ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay nidaamka dijitaalka ah ee diiwaangelinta musharrixiinta iyo codbixiyeyaasha. Tewodhroos Mihret ayaa xusay in habkan cusub uu fududeynayo hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashooyinka, isagoo sidoo kale tilmaamay in adeegsiga teknolojiyadda ay muhiim u tahay in la abuuro faham ku filan oo ku saabsan habka doorashada. Diiwaangelinta dijitaalka ah waxay ka dhigeysaa habka doorashada mid ka dhaqso badan habka waraaqaha, iyadoo sidoo kale yareyneysa kharashka iyo waqtiga. Waxay sidoo kale fududeysaa in codbixiyeyaashu iyo musharrixiintu si fudud isu diiwaangeliyaan, isla markaana la xaliyo dhibaatooyinka la xiriira xogta iyo xuquuqda dimuqraadiga ah. Gudoomiyaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka, Meelaatwarq Haylu, ayaa tilmaamay in taageerada teknolojiyadda ay qayb ka tahay qorshaha istiraatiijiga ah ee shanta sano ah ee guddiga. Waxaa sidoo kale la sheegay in doorashada 7-aad ee qaranka loo diyaarinayo in la qabto 24-ka Miicaad 2018, iyadoo la adeegsanayo laba mareeg oo teknolojiyadeed si loo xoojiyo hufnaanta iyo daahfurnaanta. Waxaa la caddeeyay in musharrixiinta iyo codbixiyeyaasha aan awoodin inay isticmaalaan diiwaangelinta dijitaalka ah ay wali iska diiwaangeli karaan waraaq ahaan, si loo hubiyo in qof walba xuquuqdiisa dimuqraadiyadeed la ilaaliyo. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itoobiya waxay noqon doontaa astaan Afrikaan ah oo barwaaqo ah sanadka 2023 – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Jan 5, 2026 84
Addis Ababa, Xoorreey 27/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in ay socdaan hawlo wax ku ool ah oo suurto-gelinaya in sanadka 2023 Itoobiya noqoto astaan Afrikaan oo barwaaqo ah. Wuxuu sheegay in xukuumad ahaan ay dejisteen himilo ah in sanadka 2023 Itoobiya noqoto astaan Afrikaan oo barwaaqo, isla markaana ay si buuxda u xaqiijin doonaan himiladaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sanadka 2040 Itoobiya ay noqon doonto dal dunida tusaale looga soo qaato. Si loo gaaro himiladan, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in ay jiraan saddex tiir oo waaweyn: ilaalinta sharafta aadanaha, xaqiijinta madax-bannaanida dhaqaale, iyo in Itoobiya noqoto awooda Afrika. Isagoo ka hadlayay doorka aqoonyahannada iyo bulshada, wuxuu xusay in kor u qaadista kaalinta aqooneed ee isku xiran ay u baahan tahay ka-qaybgal firfircoon, lahaanshaha ujeeddo ka baxsan dan shakhsi ah, ku adeegista xirfad iyo in la noqdo buundo isku xirta fikradaha iyo bulshada. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in laga baxo xayndaabyada fikirka ee hore, lana abuuro fikrado cusub, maadaama fikirku uusan lahayn xuduud. Wuxuu ku booriyay dhammaan qaybaha bulshada in ay ka gudbaan kala qoqobka, una wada shaqeeyaan dhismaha Itoobiya barwaaqo ah. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in haddii la is fahmo, la is kaashado, la is barto, loona wada istaago shaqada, natiijada la gaari karo ay noqon doonto mid aad u weyn. Ugu dambayn, wuxuu xusay in wadajir, niyad-wanaag iyo damiir suuban lagu gaarsiin karo Itoobiya barwaaqo iyo horumar waara. #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Diiwaangelinta bulshada rayidka ah iyo qoyska ee casriga ah oo ku saleysan xog faraha iyo indhaha ah waxay xaqiijineysaa in qof walba yeesho hal aqoonsi oo keliya
Jan 5, 2026 60
Addis Ababa, Xoorreey 26/2018 (ENA): Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in diiwaangelinta bulshada rayidka iyo qoyska ee dijitaalka ah, oo adeegsaneysa xogta faraha iyo indhaha ah, ay suurtagelinayso in qof walba yeesho hal aqoonsi oo sax ah, taas oo fududeynaysa dejinta siyaasado sax ah oo ku saleysan xog lagu kalsoonaan karo. Adeeggan, oo ku shaqeeya xeer Lambar 1370/2017, ayaa leh qaab-dhismeed madax-bannaan oo ka shaqeeya dhammaan heerarka maamulka laga bilaabo federaalka ilaa heerarka hoose. Waxaa loo xilsaaray fulinta, hoggaaminta, isku-dubaridka, taageeridda, maareynta iyo abaabulidda xogta diiwaangelinta rayidka iyo qoyska, iyo sidoo kale kaydinta xogtan heer qaran oo ku jirta keyd xogeed mideysan. Iyadoo la raacayo awoodaha loo igmaday, adeeggu wuxuu wakiil u magacaabay Hay’adda Diiwaangelinta Rayidka iyo Deggenaanshaha ee Maamulka Magaalada Addis Ababa, taas oo suuragelisay in dhammaan magaalo hoosaadyada caasimadda laga bilaabo diiwaangelinta bulshada rayidka iyo qoyska. Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda, Biqilaa Masgabu, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) in nidaamka cusub uu beddelay habkii warqadaha ku saleysnaa, isla markaana uu xaqiijinayo mabda’a ah “hal qof, hal aqoonsi”. Wuxuu xusay in nidaamkii hore ee gacanta iyo warqadaha ku saleysnaa uu suuragelin jiray in qof keliya uu ka qaato shahaadooyin dhalasho, dhimasho iyo dhacdooyin kale oo muhiim ah meelo kala duwan, taas oo keentay jahawareer iyo khaladaad. Arrintaas awgeed, xogaha dhacdooyinka muhiimka ah ee ku saleysnaa macluumaad khaldan ama la been-abuuray ayaa dhibaato ku noqday go’aannada siyaasadeed ee dowladda. Waxaa la sheegay in diiwaangelinta rayidka iyo qoyska ay qaadaneyso xogta faraha iyo indhaha ah, isla markaana xogtaasi lagu xiriirinayo aqoonsiga qaran. Tani waxay qayb ka tahay dadaal lagu dhisayo Itoobiya uu qof walba si cad oo hal aqoonsi ah loogu garto. Waxaa la caddeeyay in isku-darka xogta faraha iyo indhaha ah ay si sax ah u muujinayaan aqoonsiga qofka, sidoo kalena ay fududeynayaan kala saaridda jinsiyadda muwaadinka. Sidoo kale, xogtan diiwaangelinta bulshada rayidka iyo qoyska waxaa lagu ururin karaa diiwaangelinta dhacdooyinka nolosha iyo aqoonsiga qaran (Fayda). Ugu dambeyn, waxaa la sheegay in barnaamijka lagu fulinayo diiwaangelinta rayidka iyo qoyska lagu sameeyay Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya, isla markaana uu si rasmi ah u galay shaqo. #ItoobiyaCasriah2030 #WWI #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya